wadaagidda khayraadka dabiiciga ah waayo aragnimada
play

Wadaagidda Khayraadka Dabiiciga ah Waayo-aragnimada Caalamiga ah iyo - PowerPoint PPT Presentation

Wadaagidda Khayraadka Dabiiciga ah Waayo-aragnimada Caalamiga ah iyo Jidka u Furan Soomaaliya Guddiga Maamulka Dhaqaalaha, Oktoobar 2017 (Financial Governance Committee (FGC)) Ku Saabsan Guddiga Maamulka Dhaqaalaha (FGC) Waxaa 2014 lagu


  1. Wadaagidda Khayraadka Dabiiciga ah Waayo-aragnimada Caalamiga ah iyo Jidka u Furan Soomaaliya Guddiga Maamulka Dhaqaalaha, Oktoobar 2017 (Financial Governance Committee (FGC))

  2. Ku Saabsan Guddiga Maamulka Dhaqaalaha (FGC)  Waxaa 2014 lagu aasaasay heshiis ay u dhanyahiin Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) iyo Beesha Caalamka  Waxaa shir-gudoomiye ka ahaa Wasiirka Maaliiyadda; oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, wakiilo ka socda xaafiiska Madaxweynaha, xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Gudi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Xukuumadda, Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud.  Waxaa weheliya wafti ka socda caalamka ee Sanduuqa Lacagta Aduunka, Bangiga Aduunka iyo Deeq-bixiyayaal la shaqeeya  Waxay bixisaa talo ku saabsan maamulka Bangiga Dhexe, soo kabashada hantida, ka soo iibsiga dowladeed ee dad-weynaha iyo heshiisyada bixinta, Dib-u-habaynta maareynta dhaqaalaha bulshada, iyo federalnimada maaliyadda  Oktoobar 2017, iyadoo laga jawaabayo codsiga Wasiirka Kaluumaysiga, ergooyinka caalamka ee FGC waxay diyaariyeen qoraal talo bixin ah oo ku saabsan wadaagidda khayraadka dabiiciga ah

  3. Sida wadamada kale u wadaagaan Dakhliga khayaarka dabiiciga ah  In ka badan 30 dal oo khayraadka dabiiciga ah qani ku ah ayaa leh xeerar gaar ah oo lagu maamulo sida loo wadaago dakhliga khayraadka dabiiciga ah  Waxaa jira 2 nidaam oo khayraadka dabiiciga ah ay heerarka kala duwan ee dowladdu ugu wadaagaan. $$$ Asalka Khayraadka Baahida deegaanka laga helay bulshada, khayraadka saboolnimada iwm  Dhaqan-galin ahaan, wadamo badan ayaa isku dara labadaan nidaam  Waxay u badan tahay in habka qaybsiga ee ku salaysan Asalka Khayraadka aan inta badan loo isticmaalin dakhliga ka yimaada shiidaalka xeebaha iyo dakhliga kaluumaysiga, in kasta oo maalgalinta lagu sameeyo khayraadka kaluumaysiga sigaar ah loola beegsan karo beelaha kaluumaysta

  4. Dakhliyadee ayaa la wadaagaa?  Khayraadka dabiiciga ah waxuu Qaranka u soo xarayn karaa dakhliyo kala duwan, iyada oo ku xiran nidaamyada maaliyadeed ee lala gaaray soo-saarayaasha GUNOOYINKA BIXINTA KUNTURAADAHA, Lacagaha Shatiga, faa’iidOOYINKA (royalties), Canshuur-reebista dakhliga ee shirkadda, canshuurta faa'iidada raasumaalka, SAAMIGA faa'idada batroolka, Dakhliga IIBINTA batroolka ....  Heshiisyada wadaagidda dakhligu waa inay si cad u qeexaan khayraadyada dabiiciga ah ee la wadaagayo kuwa ay yahiin  Dakhliyada sida faa’iidooyinka (royalties) iyo lacagaha shatiga ayaa ah kuwo inta badan la wadaago – waxay u badan tahay inay yahiin kuwo si toos ah loo soo aruurin karo, iyada oo ku xiran sharuudahooda, way sahlan tahay in la saadaalin karo

  5. Faa’iidooyinka Nidaam Wadaagid oo Si Fiican loo Dajiyay  Aqoonsiga sheegashada deegaan ee khayraadka dabiiciga ah  Uga kabasho dhibaatooyinka ka yimaada soo saaritaanka khayraadka  Dhiirigalinta horumar dhaqaale oo joogto ah iyo kor u qaadidda heerka nololeed  Uga kabasho ama khafiifin colaado ka dhasha khayraadka

  6. Laakiin waayo-aragnimada caalamiga ah waxay muujinaysaa in dajinta wadaagidda khayraadka ay abuuri karto caqabado badan Khaasatan markay:  Si xun loo dajiyo  Markii aysan marin wadatashi iyo heshiis wax ku ool ah oo dhexmara dhamaan dhinacyada ay saamaynayso  Si xun loo dhaqangaliyo  Aanu isbadalayn lana qabsanayn xaaladaha markii loo baahan yahay

  7. Maxay yahiin khataraha ugu weyn? Khatar #1: Iska-horimaadyo dagaal oo ka dhasha sharuudaha heshiiska ama hirgalintooda (Ciraaq, Peru iyo Nayjeeriya) Khatar #2: Dakhliga soo xarooda oo isbad-badali kara taas oo khalkhal galin karta maaraynta dhaqaale iyo bixinta adeegyada (Peru, Nayjeeriya) Khatar #3: Dakhliga soo xarooda oo kabata intii la qaadan lahaa, taas oo keenta khasaarin iyo musuqmaasuq (Nayjeeriya, Barasiil, Kolombiya Peru) Khatar #4: Sinaan la’aanta deegaanada (Barasiil, Nayjeeriya) Khatar #5: Shaqaynta Qaranka oo aan si ku filan loogu maalgalin (Koonfurta Suudaan).

  8. Dastuurka Soomaaliya iyo Khayraadka Dabiiciga ah  Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya ee 2012 waxuu qeexayaa dhowr mabaadii muhiim ah oo ka hadlaysa lahaanshaha iyo wadaagidda khayraadka dabiiciga  Mabaadii’dani waxay xoogga saarayaan qoondayn khayraad oo loo simanyahay Qodobka 25 (2). Deegaanka “ Qof waliba waxuu xaq u leeyahay inuu qayb ka helo khayraadka dabiiciga ah ee dalka, iyadoo laga ilaalinayo in khayraad dabiiciga ah si xadgudub ah oo waxyeelo leh loo isticmaalo ” Qodobka 44. Khayraadka Dabiiciga ah “ Qoondaynta khayraadka dabiiciga ah ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ka wadahadlaya oo ka heshiinaya, Dowladda Federalka iyo Dowlad Goboleedyada iyadoo waafaqsan Dastuurkan ” Qodobka 50. Mabaadii’da Federalnimada ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaalia Heerarka kala duwan oo ismaamul, dhamaan xiriirada iyaga u dhaxeeya iyo fulinta shaqooyinkooda sharciyeed iyo awoodaha kale, waa inay raacaan mabaadii’da federaalnimada, kuwaas oo ah: (d) In qayb walba oo ka mid ah Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ay ka hesho Dowladda Federalka heerar isku mid ah ee adeed iyo heerar isku mid ah oo taakulayn; (e) Qaybin cadaalad ah ee khayraadka;

  9. Wadahadalada Wadaagidda Khayraadka ilaa iyo Hadda  Intii ay jirtay dowladdii hore, Wasaaradda Batrooliyamka Federaalka iyo Wasaaradda Kaluumaysiga Federalka, labaduba waxay bilaabeen inay wadahadalo laba-dhinacle ah la yeesheen Dowladda Goboleedyada  Labada dhinacba waxay ku boodeen falanqayn heshiisyo sida dakhliga loo wadaagi lahaa, iyada oo aan la tixraacin mabaadii’da iyo ujeedooyinka uu ku salaysan yahay wadaagidda dakhliga  Taasi waxay keentay, in heshiisyadan qaybaha gaarka ah ku egi aysan yeelan isku-xirnaan, abuuridda qorshe sii jiraya, waxayna qatar galiyeen inay keenaan saamayn aan lagu talagalin – qaasatan marka la tixgaliyo inaan gobolada dhexdoodu sinaan, suurtagalinimada dakhliga oo isbadal u nugul iyo qoondaymo ka badan intii la qaadan karay Soo jeedinta Wadaagidda Dakhliga Soojeedinta Wadaagidda Dakhliga Tuunaha Kaluumaysiga ee 2016 ee 2017 Soojeedinta Wadaagidda Dakhliga Badroolka Xeebta iyo Meel 6 notical mayl FGS 25% ee (2016) ka baxsan Xeebta xeebta ka FGS 40% Puntland 15% ilaa 6 notical durugsan Ministry of Fisheries 10% Galmudug 15% mayl Puntland 10% FGS 30% 60% South West 12% Galmudug 10% Jubaland 13% FMS (soo saaraya haday xeebta kutaal, ay 40% 20% South West 10% Hiraan/Middle Shabelle 12% dhawdahay haday xeebta ka durugsan tahay) Jubaland 10% Banadir 8% Hiraan/Middle Shabelle 10% FMS (aan la soo saarayn, ama anay dhawayn 30% 20% haday xeebta ka durugsan tahay)

  10. Maaraynta Dhaqaale-hoosaadka ee Dakhliga Khayraadka Dabiiciga ah  Hindisaha Maaraynta Dhaqaalaha Bulshada ee Federaalka (PFM) ee dhawaan loo gudbiyay Golaha Qaranka waxaa ku jiray qayb ka hadlaysa maaraynta dakhliga khayraadka dabiiciga ah  Qaybtan waxay ka jawaabaysaa dhaliilo lagu arkay soojeedimahii hore ee wadaagidda dakhliga Badrooliyamka iyo Kaluumaysiga, khaas ahaan tan khusaysa bangi ku shubidda dakhliga, bixinta iyo maaraynta dhaqaale-hoosaadka  Iyadoo waafasan Dastuurka Ku-meelgaarka ah, Hindisahu waxuu sheegayaa in dakhliga loo wadaagayo ayadoo lagu salaynayo heshiisyo ay wadagaleen Dowladda Federalka iyo Dowlad Goboleedyadu  Hindisaha waxaa sidoo kale ku jira qoondaymo keenaya nidaam lagu kaydiyo dakhliga khayraadka dabiiciga ah. Kaydka waxaa loo isticmaali karaa in lagu maareeyo isbadala ku dhaca dakhliga, dhisayaana sanduuq maalgalin balaaran, jiilasha soo socdana dhinac u dhigayga dakhli khayraad dabiici ah

  11. Talooyinka FGC ee Wadada Horay-usocodka

  12. #1: Xaqiijin in wadahadalada wadaagidda dakhligu yahiin kuwo lagu kalsoonaan karo Waayo araginimada caalamku waxay muujinaysaa in heshiisyada wadaagidda dakhliga oo si xun loo dajiyay, looga wadahadlay ama loo dhaqangaliyay, inay keeni karaan khataro amaan iyo kuwo dhaqaale kuwaas oo carqalad ku noqon kara dib udhiska qaranimada Soomaaliya. Si tan wax looga qabto:  Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (FGS) waa inay lug ku leeyahiin wadahadalada wadaagidda khayraadka. Waxaa ka mid ah: Xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Gudaha iyo Arimaha Federaalka, iyo sidoo kale Wasaaradaha qaybaha ay khusayso iyo Bangiga Dhexe.  Wadahadaladu waa inay noqdaan wadahadal wax ku ool ah oo ay ku jiraan dhinacyada ay khusayso oo dhan, oo ay ku jiraan Dowlad Goboleedyada, qaybaha gaarka loo leeyahay iyo bulshada rayidka ah  Wadahadalada waa in lagu maareeyo nidaam xooggan oo dhinacyada oo dhan u arkaan inuu yahay mid wax ku ool ah  Khibrad farsamo waa in la dajiyo dhamaan inta ay socdaan wadahadaladu  Sharuudaha heshiisyadu waa inay u furnaadaan suurtagalnimada in mustaqbalka isbadalo lagu samayn karo haddii loo baahdo

  13. #2: Isku-raacidda mabaadii’da hagidoona wadaagidda dakhliga  Wadahadalo wadaagidda dakhliga oo heer-sare ah waa inay ka horeeyaan heshiisyo gaar ah, oo heer- qaybeed u dhaxeeya Arimaha u baahan heshiisyo heer-sare ah waxaa ku jira:  Dheelitirka la jecel yahay in la gaaro ee wadaagidda dakhli si siman loo wadaago, iyo magdhowga deegaanada khayraadka hodonka ku ah  Qoondaymaha dakhli oo ku haboon fulinta masuuliyadda heer walba oo Dowladeed  Isu-dheelitirka isticmaalka dakhliyada khayraadka dabiiciga ah ee markaas loo baahan yahay iyo kaydinta dakhliga  Isbadalada bulsho iyo kuwa dhaqaale oo aas-aaska u ah qoondayn sinaan ku salaysan.

Recommend


More recommend